Saturday, September 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img

WAR DE-DEG AH: Dowladda oo shaacisay Khasaaraha qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho.

Isniin 15 July 2024 {HMC} Booliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxii maqaayada Top Coffee ee caawa ayaa qasaaraha dhimashada ku sheegay 5-ruux halka dhaawacana ay ku sheegeen 20 ruux.

Booliiska ayaa ku eedeyay mas’uuliyadda qaraxan AS oo inta badan fulisa weerarada noocaan oo Kale ah inkastoo aysan Ciidanka Booliisku soo hadal qaadin sida ay ku suurtagashay in goobtan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo islamarkaana ay ka horeeyaan bara-kantarool oo badan ay isku qarxiyeen AS.

Dhinaca kale qasaaraha dhimashada ee ay warbaahintu helayso ayaa ka badan inta ay Booliisku sheegeen.

WARAKA