Nabadu waa furaha nolosha, qiimaha ay leedahay ma ahan wax la soo koobi karo,
marka la soo hadal qaado ereyga nabad, qof kastaba waxaa ku soo dhacda qiimaha ay
nabadu u leedahay nolosha aadanaha.
Nabaddu waa aasaaska jiritaanka ummadda, la’aanteedna ma hirgali karto asaaska
aadanaha sida hellidda biyo, caafimaad hoy iyo hu’.
Kadigista colaadaha iyo nabad la’aanta.
Sida aan horay uga soo sheekaynay, Soomaalida waxay ahayd dad ubadan reer miyi,
dagaalada iyo colaadahana inta badan waxay ka soo cusboonaan jireen dhulka ay reer
guuraagu wada degaan.
Dadku inta badan waxay isku layn jireen wax aan macno lahayn, balse waxay guurtida
isku dayi jireen in ay xaliyaan daldaloolooyinka ay keento colaadaha.
Dadka reer miyiga ah waxay islayn jireen labo xilli.
Xilliga kowaad waxa uu ahaa waqtiga ay jirto jiilaal dhicirtay yacni adag kaasoo reer
guuraaga aadi jireen meel leh baad iyo biyo, kolki ay intaas yaraatana waxaa ka dhex
qarxi jiray dagaalo, midkaasoo sababi jiray colaad dabo dheeraatay oo dhimasho iyo
dhaawacyo daran ka dhashaan.
Waxaana inta badan halkaas ku naf waayi jiray dhalinyaro firfircoon oo xilligaas hana
qaaday, nolol iyo mustaqbal ku rajo weynaa.
Waxayna isdagaali jireen xilliga jiilaalka laga baxo oo dadka iyo xooluhuba helaan
roobab, barwaaqada halkaas ka dhalatana waxay keeni jirtay in dib loo cusboonaysiiyo
dagaalo iyadoo aanooyinkii hore dib loogu laabto.
Waxaana qooqaas iyo kibirkaas ku leedan jiray boqolaal dhalinyaro ah.
Waxaa ilaa hadda jira colaado ay sababto inta aan kor ku soo xusnay, waxaana
bulshada Soomaaliyeed uga digaynaa inay dib dambe dhiig islaameed iyo mid
sokeeyaba aysan dib uqubin. Dhalintana loo sameeyo himilooyin wax ka beddeli kara
heerka aqooneed iyo midda maan korin. Waxaana leeyahay inta nabad lahaysto ayuu
ninba labo nin leeg yahay.
Nabada adaa ku nool, anagaa ku nool balse colaadaha anagaa ku naf waayayna,
haldooro ayaana nooga dhimanaya. Waxaa anaga iyo umadda Soomaaliyeed ugu
baaqaynaa inay nabbada ka shaqeeyaan, colaadahana la damiyo insha Allaah
Qiimaha Dowladnimada
Sida aan wada ogsoonahay waxkasta oo adduunka ka jira waxay leeyihiin tiirar ama
astaamo ugooniya oo lagu yaqaan ama bartilmaameedyo lagu asteeyay shaygaas.
Haddaba qaranku waxa uu leeyahay astaamo iyo tiirar ugooniya uu uga soocan yahay
hay’adaha kale ee dowladda.
Haddaba qaran ama dowlad waa maxay?
Dal walbo waxaa dhisa dadkiisa. Soomaaliya waxaa dhisi kara waa Soomaali.
Qaranku waa hab-dhis ka kooban tiirar habaysan oo ilaaliya, xadeeya, xaliya, xukma,
bixiya, aruursha addeeg kasta oo bulsho ubaahato, kuwaas oo kuwada nool hal wadan,
lehna sharciyo, qaanuun kala haga, astaan, calan, dastuur, garsoor, af, dhaqan, Diin,
madaxbanaani, kala dambayn, dhaqan-dhaqaale IWM ayaa la dhahaa Qaran ama
dowlad. Haddii intaas kor ku xusan laga waayo waxay noqonaysaa wax kale ee ma
ahan dowlad.
Dowladu waxay leedahay dad, dal, diin, af, calan, xuduud ama soohdin lagu yaqaan,
garsoor madax-banaan, ciidan qaran, Hay’ado IWM. Dowladu waa mid aan lagu soo
xadgudbin, leh maqaam sare, sharci wax fuliya, go’aan geesinimo iyo kala dambayn.
Midaas oo lagu maamulo, laguna maareeyo bulshada si loo kala jiheeyo, laguna
carbiyo dowladnimo.
Dowladnimadu waa midda bixisa addeegga bulshada sida, Caafimaadka, Biyaha,
Deegaamaynta, Garsoorka, Ammaanka, Hu’ Hoy IWM. Intaas oo dhan ma bixin karto
waxaan ahayn qaran, lagama helo qabiil iyo dad meel degan. Waxaa haboon in
bulshadu kala garato qaran iyo qabiil.
Xaaladaha Abuura colaadaha
Waxa abuura colaadaha:
1. Baad iyo Biyo: amminta ay dhacdo jiilaal dabo dheeraada, roobabka oo
gaasira, waxay sababtaa in ay dhacdo biyo la’aan, taasoo ugu dambayn
sababta in la isku laayo ceelasha iyo baadka yacni daaqsinka.
2. Geelaha: Dadkii hore waxay kala dhici jireen geela, waxaana ka dhalan jiray
colaado sokeeye oo ku naf waayaan dad badan.
3. Dumarka: Wax yaalaha ugu weyn ee sababi jiray dagaalka waxaa qeyb ka
ahaa dumarka. Waxaa lagayaabaa in gabadh nin u doonanayd uu la baxo nin
kale midaasoo ay ka dhalan jirtay dagaal dhiig badan ku qubtay Iwm.
W/Q. Abdikarim Abdirahman Hersi