Jimco 12 july 2024 {HMC} Xeer ciqaabeed, waa xeerka jideeya falkasta oo dembi noqon kara iyo waxa lagu ciqaabayo qofka uu ku cadaado fal sharcigu dembi u aqoonsan yahay.
Muhiimadu waxay tahay in muwaadinka ama qofkasta oo lagu dabaqayo xeerkan uu ku baraarugsanaado, ogaado, aqoona u lahaado, isla markaana si fudud u heli karo, una fahmi karo xeerka ciqaabta si uu uga digtoonaado.
Jamhuuriaydda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland waxay muddo 33 sano ah isticmaaleysay xeerka ciqaabta guud ee Soomaaliya kaas oo dalka Soomaaliya oo dhan ka jiray laga soo bilaabo sanadihii lixdamaadkii.
Somaliland ayaa sheegtay in markii uu horreysay in ay ka guurayso ku dhaqankii xeerka ciqaabta guud ee Soomaaliyeed kaas oo hay’addaha garsoorka ee Somaliland isticmaalayeen tan iyo markii ay ku dhawaaqay Somaliland gooni isu taageeda. Shir ay yeesheen golaha wasiirada ayaa xeerkan cusub ee ciqaabta la horgeeyay.
Wasiirka Xidhiidha Goleyaasha iyo Distuurka Somaliland, Cabdinaasir Muxumed Buuni, oo BBC u waramayey, ayaa sheegay in gebi ahaanba maxkamadduhu joojin doonaan adeegsiga xeerka ciqaabta guud oo ahaa mid dawladdihii hore ee Soomaaliya adeegsan jireen, marka goleyaashu ansixiyaan.
Maxaa keenay in hadda la beddelo xeerkii lagu soo dhaqmayay?
Afar xeer oo dowladii hore ee Soomaaliya dajisay ayey isticmalaayeen Somaliland mudadii ay gooniga uga istaageen inta kale Soomaaliya. Hadda waxay go’aansadeen in ay ka guuraan xeerkaas.
Wasiir Cabdinaasir Muxumed Buuni ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid cusb oo aan shaqo ku laheyn kan laga guuray oo caqabad ku ahaa shuruucda Somaliland.
“Markasta caqabad ayuu ku ahaa guud ahaan geediga qaanuuneed ee Somaliland, waxyaabaha loo beddalay waxaa ka mid ah xeerkaas ciqaabta guud, dhulka uu ilaalanayo ma aheyn dhulka Somaliland, taasna ayaana loo beddalay”
Hadii uu caqabad ku ahaa sidee u suurogashay in xeerkan laga isticmaalo dalka oo lagu xukumo dad badan. Wasiir Buuni ayaa sheegay in marna aan la isticmaalin isagoo ka hor’imaanaya dastuurka dalka. Sababaha kale ee ay Somaliland ku sheegtay in xeerkaas uu u noqday mid dalka u yaal ayaa ahaa in uusan jirin xeer ciqaab guud oo kaas beddelay.
“Somaliland ma isticmaaleynin isagoo ka horimaanayay dastuurka qaranka laakiin qaynuun ahaan ayuu u yaalay, wuxuuna ahaa waxa kaliya ee sameysan oo ah xeer guud oo qaranku leeyahay”
Mar la weydiiyay wasiirka hadii xeerka laga guuray uu ka hor imaanayay dastuurka Somaliland waxaa jira dad badan oo lagu xukumay, maxaa ku dhacaya marka xeerkan la meelmariyo dadkaas. Wasiirka waxa uu sheegay in aan inta badan la raaci jirin xeerkaas ciqaabta.
“Wixii ah ciqaabta guud inta badan isaga lama raaci jirin balse sharci ahaan buu inoo ahaa, inta badan qawaaniinteena ayaa lagu xukumi jiray, mana aheyn qaanuun si toos ah dalka uga shaqeynayay”
Xeerkan cusub ee la horgeeyay golaha wasiirada ayaa ah, sida wasiirku sheegay, mid waafaqsan dastuurka Somaliland, Shareecada Ismaalmka iyo qawaaniinta kale ee Somaliland.
Sidoo kale xeerkan waxa uu meesha ka saarayaa xeerkii ciqaabta guud ee aan la jaanqaadeynin dastuurka Somaliland ee si toos ah uga hor imaanayay.
“Waa xeer waqtigan la jaanqaadayo oo ka hadlaya dembiyada Internet-ka, kuwa baraha bulshada, caalamka casriga aan joogno iyo lacagaha taleefoonka lagu isticmaalo, waa xeer waxaas oo dhan ka jawaabaya”
Xeerkan ayuu wasiirka ku sheegay in uu ahaa mid muddo dheer dalka u baahnaa, caqabadna ku ahaa nidaamka garsoorka Somaliland.
Xeerka marka uu ka gudbo golaha wasiirada waxa uu tagi doonaa golaha wakiilada.
#XIGASHO BBC.