Isniin 24 June 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay dhowaan xubin ka noqotay Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo daa-furay kulanka, kaas oo muddo laba cisho ka socon doono Teendhada Afisyoone.
Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno, safiirada caalamka, madaxda jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.
Inta uu socdo shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre oo madasha ka hadlay ayaa yiri “Rugta Ganacsiga waxa ay xubin ka tahay rugta ganacsiga Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ku biiradda ururka wax badan ayey u tartay ganacsatadeena”.
Gabagabada ayaa la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah.
Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC.
Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.