Talaado -26-March-2024 {HMC} Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Israel ayaa cirka isku shareertay markii Washington ay u ogolaatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu soo saaro qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza.
Go’aanka Maraykanka ee ah inuu ka aamuso codbixinta ayaa keentay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu baajiyo safar la qorsheeyay inuu ku tago Mareykanka.
Maraykanka ayaa hore u diiday qaraaro la mid ah oo ku baaqayay xabbad-joojin. Maraykanka ayaa ka aamusay codbixintii Isniintii uuna meelmaro, markii 14-ka xubnood ee kale ee 15-ka xubnood ah ay u codeeyeen haa.
Qaraarka, oo ay soo bandhigeen 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah bisha Ramadaan, si degdeg ah oo shuruud la’aan ah oo lagu sii daayo la haystayaasha iyo “baahida degdegga ah ee lagu ballaarinayo” gargaarka Gaza.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in ku guul dareysiga fulinta qaraarkan ay noqon doonto “mid aan la cafin karin.”
“Golaha Ammaanku waxa uu ansixiyay qaraar muddo dheer la sugayay oo ku saabsan Gaza, oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah, iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha. Qaraarkan waa in la fuliyo.” ayuu yiri Guterres.
Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa ku dhaleeceeyay golaha ammaanka inay meel mariyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin iyada oo aan shuruud lagu xirin sii daynta la haystayaasha.”
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in dalkiisa uusan u hogaansami doonin qaraarka golaha amaanka uuna sii wadayo dagaalka.
“Dawladda Israa’iil ma joojin doonto xabbadda,” ayuu yiri Katz. “Waan burburin doonnaa Xamaas, waana sii wadi doonnaa dagaalka ilaa inta ugu dambeysa ee la haysto ay ku laabanayaan dalkooda.” ayuu yiri.
Maamulka Biden ayaa doortay inuu ka aamuso halkii uu diidi lahaa qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay markii ay awoodeen inay ka shaqeeyaan beddelka qaybo ka mid ah qoraalka qaraarka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka.
Ilo kale oo arrintan xog ogaal u ah ayaa sheegay in Maraykanku uu qorsheeyay inuu qaraarka ku diido diidmada qayaxan, balse waxaa jiray dadaallo dublamaasiyadeed oo xooggan oo suuragaeliyey in meel dhexe la isugu yimaado.
Qaraarka ayaa dalbaday xabbad-joojin joogto ah mana lagu xusin wadahadallo lagu sii deynayo la haystayaasha, Mareykankuna wuxuu awooday inuu ku riixo in qoraalka la beddelo si uu u tixraaco xabbad-joojin waarta oo ay ku jirto luuqad ku saabsan dadaallada sii-deynta dadka afduuban.
Codbixinta Qaramada Midoobay ee ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhalatay howlgallada ciidamada Israa’iil ay ku doonayaan inay ku galaan magaalada koonfurta Gaza ee Rafah. Maraykanka ayaa ugu baaqaya Israa’iil inay sharaxdo sida ay u ilaalinayso 1.4 milyan oo falastiiniyiin ah oo magangalyo u soo doontay halkaas ka hor duulaanka.
Waxay qaadatay lix bilood in Golaha amaanku isku raaco xabbad-joojin degdeg ah, iyo “in ka badan 100,000 oo la dilay oo la dhaawacay, laba milyan oo barokacay, iyo macaluul golahan si ay si degdeg ah u dalbadaan xabbad-joojin degdeg ah,” ayuu yidhi Riyad.
Afhayeenka Amniga Qaranka John Kirby ayaa jawaab buuxa ka bixiyay go’aankii Netanyahu uu ku joojiyay wafdiga, isagoo sheegay in Mareykanka uu ka xun yahay go’aanka lagu baajiyay safarka.
“Aad ayaan uga niyad jabnay in aysan imaan doonin Washington, DC, si ay noogu oggolaadaan inaan la yeelano wada hadal dhab ah oo ku saabsan sida macquulka ah ee lagu geli karo dhulka Rafah,” ayuu yiri.
Sidoo kaled, Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa baajinta ku tilmaamay “wax lala yaabo oo nasiib darro ah.”
Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa CNN u sheegay in joojinta booqashada ay tahay falcelin xad dhaaf ah oo ay u badan tahay inay ka tarjumayso walaaca siyaasadeed ee Netanyahu ee gaarka ah. Netanyahu si toos ah ulama xiriirin Biden go’aanka, madaxweynuhuna ma qorsheynayo inuu taleefan kula hadlo Netanyahu si uu ugala hadlo arrintan, ayuu yiri sarkaalku.