Saturday, September 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img

Eritrea oo ceyrisay Safiirkii Sudan u joogay Asmara iyo Sababta.

Khamiis 25, July, 2024 {HMC} Eritrea ayaa ceyrisay safiirkii Suudaan u joogay dalkeeda danjire Khaled Abbas, waxaana loo qabtay 72 saacadood inuu uga baxo Eritrea.

Lama bixin wax faahfaahin ah oo ka dambeysa sababta keentay talaabadan,

Isbedelka gobolka ayaa kordhaya, iyadoo Abiy Ahmed maalmo ka hor tagay Port Sudan oo saldhig u ah Jen. Cabdifitah Al-Burhan oo hogaamiya dawladda Caalamku aqoonsan yahay.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in go’aanka Eritrea uu yimid xilli dowladda Suudaan iyo hoggaamiyaha (RSF) ay isku diyaarinayaan inay shir nabadeed ku qabtaan Itoobiya kaasoo ay dhexdhexaadinayaan Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Midowga Afrika.

Xiriirka Eritrea iyo maamulka Abiy Axmed ayaa go’ay ilaa heer ay dowladda Eritrea qaaddo tallaabooyin saameynaya Itoobiya dal ahaan.

Shalay waxay mamnuucday Xukuumada Asmara, diyaarada Ethiopia Airlines inay tagto magaalada Asmara iyadoo talaabadan loo malaynayo iney salka ku heyso xiriirka labada dal oo sii xumaanayey.

WARAKA