Saturday, September 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img

DF oo ku dhawaaqday dhaqaalo lagu taageerayo dadkuu ku wax yeeloobay weerarkii Liido.

Arbaco 08 August, 2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo wax loogu qabanayo daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay Al shabaab ku qaaday xeebta Liido Jimcihii ina dhaafay.

Wasiir Daauud Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadato gurmadka socda.

Daa’uud Aweys ayaa u tacsiyadeeyay ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay masiibada Xeebta Liido isagoo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dhaawacyada

Dad ka badan 40 qof ayaa ku naf waayey qiyaastii 200 oo kalena kalena wey ku dhaawacmeen weerarkaas kuwaasoo 120 ka mid ah la jiifiyey isbitaalada Muqdisho.

WARAKA

Magaca 2025 loo badalayo howlgalka ATMIS oo la shaaciyey.

Arbaco 08 August, 2024 {HMC} Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa meel-mariyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ,...