Saturday, September 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img

Dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay degmada Luuq.

Axad 07 Jully 2024 {HMC} Waxaa maanta mar kale degmada Luuq ee gobolka Gedo dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed, dagaalka ayaana lasoo sheegayaa in uu ku faafay degmada gudaheeda ilaa bannaanka degmadaasi.

Ciidamo katirsan dowladda iyo maamulka Jubbaland ayaa dagaalka ku kala biiray , kuwaa oo garab siinaya labada maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka maanta ka socda degmada Luuq lasoo sheegayaa in uu yahay mid aad u culus.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka xoogiisa hadda ka socdo duleedka degmada Luuq, waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka culus ay is dhaafsanayaan labada maleeshiyo beeleed iyo ciidanka dowladda ee kala taageeraya.

Isbitaalka degmada Luuq iyo degmooyin kale oo u dhaw dhaw ayaa la gaarsiiyay dad shacab ah iyo dhinacayada dagaallamaya dhaawacyada soo gaaray, waxa ayna dhaqaatiirta sheegeen in dhaawacyada qaar xaalaooda aysan waxba ka qaban karin.

Dowladad Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa ku guul dareestay in ay xal u helaan dagaalka maalintii saddexaad ka socda degmada Luuq, waxaana dagaalka ku dhintay dad badan oo isugu jira shacab iyo dhinacyada dagaallamaya.

WARAKA